Helsefagarbeideren samarbeider med andre yrkesgrupper om pleie, omsorg og miljøarbeid for brukere av helse- og oppveksttjenester. I denne filmen møter du en helsefagarbeider som forteller om utdanning, egenskaper og vanlige arbeidsoppgaver.
Du kan også se denne videoen med egen språkstøtte på arabisk, tigrinja eller norsk.
Lytt og les sammendrag av filmen på somali
Helsefagarbeider (somali)
Tekstversjon
Filinkaan waxa aad kula kulmi doontaa xirfad caafimaad ku shaqeeye Haddy Cham.
In aad noqotid xirfad caafimaad ku shaqeeye waa in aad marka hore soo qaadataa vg1 oo ah maadada - caafimaadka iyo barbaarinta iyo vg2 oo ah maadada - xirfada shaqaalaha caafimaadka, kadibna waxa aad noqoneysaa ka qeybqaataha tababar xirfadeedka goob shirkad ah. Haddy waxa ay dooneysaa in ay noqoto ku shaqeeye xirfad caafimaad waayo waxa ay jeceshahay in ay taakuleyso dadka, kuwa ay da`dooda yar tahay iyo dadka waayeelka ah. Shaqadaan waxa ay la wada shaqeen kartaa kooxo leh xirfado kale duwan.
Waxa aan la kulmeenaa Haddy iyada oo la joogto deggane, waxa ay na tuseysaa qolka keydka daawooyinka. Daawooyinka waxaa lagu qiyaasayaa gasac leh waqti tuse, waxaana kontoroolaya kalkaaliye caafimaad (nurse) ka hor inta xirfad – caafimaad ku shaqeeyaha uusan daawooyinka u qeybin degenayaasha. Xirfad – caafimaad ku shaqeeyaha waxa uu xitaa qeybin karaa daawooyinka hore u qiyaasnaa.
Haddy waxa ay cabireysaa wadno -garaacida iyo cadaadiska – dhiiga ee qof deggane ah. Waa muhiim in aad xiriir la sameen kartid isticmaalaha, qaraabada dadka meesha degan iyo shaqaalaha kale. Waxa ay inta badan gacmaheeda ku sameyneysaa jeermis- dillid si aysan u faafin isqaadsinta.
Xirfad – caafimaad ku shaqeeyaha waxaa badan socodkiisa marka uu shaqada ku jiro, sidaas darteed waxaa aad muhiim u ah in uu isticmaalo kabo fiican. Xirfad – caafimaad ku shaqeeyaha waa in uu marka hore ka fikiraa ergonomics, uuna isticmaalaa qalabka gargaarka farsameysan si uusan jirku dhibaato ugu imaanin. Waa in markasta ay joogaan labo shaqaale oo ka shaqeeya gargaarka qof deggane sariir – yaale ah.
Waxaa jira fursado badan oo ah shaqooyin xirfad- caafimaadeed. Waxa ay ka shaqeen karaan isbitaalada, guryaha lagu daryeelo waayeelka, daryeelka dadka ku xiran muqaadaraadka iyo guryaha dadka baahida qaba lagu daryeelo. Ama waxaad sii qaadan kartaa vg3 oo ah hal sanno oo dib u dhis dugsi sare ah oo ku siinaya karti waxbarshada looga baahan yahay waxbarashada dugsiyada tacliinta sare iyo jaamacadaha.
Forklaringer på somali til begreper fra videoen
Begrep | Tale | Forklaring |
---|---|---|
lærling | Ka qeybqaataha tababar xirfadeedka: waa qof tababar ku qaata shirkad, ama baranaaya xirfada isaga oo shaqeynaaya | |
bedrift | Shirkad: waa goob shaqo | |
yrkesgruppe | Koox isku xirfad ah: waa dad leh aqoon waxbarasho oo isku mid ah. | |
beboer | Deggane: waa qof u baahan caawimaad iyo daryeel, oo tusaale ahaan degan guryaha daryeelka ama xanaanooyin kale. | |
bruker | Isticmaale: waa qof isticmaalaya adeegyada caafimaadka – iyo daryeelka, tusaale isticmaal adeegyada guri isu imaanshaha. | |
pasient | Bukaan: waa qof xanuunsan oo helaya adeeg caafimaad, tusaale ahaan ka helaya isbitaalka ama dhaqtarkiisa u gaar ah. | |
medisin | Daawo: waa waxyaabaha daawooyinka ah, tusaale ahaan kaniiniyaasha. | |
medisinrommet | Qolka keydka daawooyinka: waa qol lagu keydiyo waxyaabaha daawooyinka ah. | |
dosere | Daawo qiyaasid: waa ku shubida daawo qiyaasan koob ama gasac leh waqti tuse. | |
dosett | Gasac leh waqti tuse: waa gasac yar oo loo qeybiyey qolol ah maalmo iyo saacado. Qololkaas oo kuu sahlaaya in aad xusuusatid waqtiga aad daawada qaadaneysid. | |
multidose | Daawooyin qiyaasan: waa kiishash yar yar oo ay ku jiraan daawooyin qiyaasan oo isku daba xiran, kana yimaada farmashiyaha. | |
puls | Wadno garaacida: waa kor u kicida cadaadiska dhiiga aad ka dareemeysid xididada halbowlayaasha (arteries) marka uu wadnuhu u garaacayo dhiiga jirka oo dhan. | |
blodtrykk | Cadaadiska dhiiga/ dhiig karka: waa cadaadiska ku abuurmaayo xididada dhiiga marka uu dhiigu wareegayo, goorka uu wadnuhu u garaacayo dhiiga jirka oo dhan. | |
pårørende | Qaraabada: reerkaaga, ehelkaaga ama qof mas`uul kaa ah. | |
ansatte | Shaqaale: waa dadka ka shaqeeya goob shaqo. | |
desinfisere | Jeermis dillid: waa istimaalka waxyaalo dillaya ilmaqabatooyinka noolayaasha ah oo keeni kara cuduro, tusaale ahaan alkahoolka gacmo dhaqa. | |
smitte | Qaadsiin: markii bakteeriyada, fangaska ama feyruska ay labo qof isu gudbiyaan. | |
ergonomi | Ergonomics: waa barashada ku saabsan sidda aan u maareyn karno howlaha shaqo iyo bey`ada shaqada si aan ugu hortagno dhaawaca ka imaan kara markii aan shaqeyneyno. | |
tekniske hjelpemidler | Qalabka gargaarka farsameysan: waa qalab caawinaya shaqaalaha si ay u fuliyaan howlaha kala duwan, tusaale ahaan wiishka | |
sengeliggende | Sariir- yaale: waa degene ama bukaan aad u xanuunsan ama u liita oo aan istaagi karin, taas oo keentey in uu sariirta yaalo. | |
hjemmetjeneste | Adeega daryeelka guri imaanshaha: waa caawimaada ay dadka waayeelka ah ama dadka xanuunsan ay ka helaan dowlada-hoose marka gurigooda ay degen yihiin. | |
rusomsorg | Daryeelka dadka ku xiran muqaadaraadka: waa caawimaad ay helaan dadka ku xiran waxyaalaha muqaadaraadka ah sida qamriga iyo naarkootiga. | |
vg3-påbygging | Vg3 dib u dhisid ah: waa hal sanno oo dugsi sare ah oo ku siinaya karti waxbarshada looga baahan yahay waxbarashada dugsiyada tacliinta sare iyo jaamacadaha, kadib markii aad dhameysid vg1 og vg2 oo ah waxbarashada dugsiga sare qeybta xirfadaha. |
Se også de norske forklaringene.
Som helsefagarbeider skal du yte profesjonell helsehjelp og ivareta hver enkelt brukers behov for pleie og omsorg. Arbeidsoppgavene er varierte og innebærer kontakt med mennesker i alle aldre med ulik helse og funksjonsevne. Helsefagarbeideren kan jobbe på mange ulike arbeidssteder innen kommunale helse- og oppveksttjenester, sykehus og private omsorgstjenester.
Utfordringer til deg
Se filmen og bruk lenkene under til å svare på disse spørsmålene.
- Hvordan er det ordinære utdanningsløpet for å bli helsefagarbeider?
- Hvilke egenskaper er nødvendige i dette yrket?
- Hva er vanlige arbeidsoppgaver for en helsefagarbeider?
- Hvilke mulige arbeidssteder kan du finne for en helsefagarbeider?
- Hvorfor er det viktig å tenke på ergonomi i jobben som helsefagarbeider?